Home Wararka Dibadda Madaxda Suudaan Iyo Itoobiya Oo Ka Heshiiyay Muranka Biyaha Wabiga Nile

Madaxda Suudaan Iyo Itoobiya Oo Ka Heshiiyay Muranka Biyaha Wabiga Nile

62
0

Jimce 27-da January 2023, (Khartuum-xog-ogaal) Hogaamiyaha militariga Sudan, ayaa sheegay in “Sudan iyo Itoobiya ay isku afgarteen dhammaan arrimaha ku saabsan” biyo xireenka weyn ee Itoobiya,waxaana Biyo xireenkan lagu muran sanaa sanado badan,iyada oo Masar iyo sudaan ay ka soo horjeedeen biyo xireenka ay ka sameynayso wabiga Niil halka itoobiya ay siweyn u dooneysay in ay biyo xireenkaasi hirgeliso oo uu shaqeeyo sida ay iyadu u dooneysay, isagoo ka hadlayay mar uu Khartuum kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed, oo safar shaqo ku jooga magaalada Khartoum Khamiistii, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dalalka Sudan iyo Itoobiya.

Abiy ayaa waxa uu sheegay in biyo xireenka wabiga Niil uusan “wax u dhimi doonin danaha Sudan, balse uu ka faa’iidaysan doono maamulka Khartoum dhanka korontada”, 1-kii bishan Janaayo, ayaa wasiirada arrimaha dibadda ee Sudan iyo Masar waxay ku heshiiyeen “in la sii wado wada tashiyada” ku saabsan biyo xireenka Itoobiya, maamulada Addis Ababa iyo Khartoum iyo Masar, ayaa waxaa u dhexeeya muran dheer oo ku saabsan biyo-xireenka, kaasoo dowladda Sudan iyo maamulka Qaahira ay ka cabsi qabaan inuu yareeyo saamiga ay ka helaan biyaha webiga Niil.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.