Home Wararka Gudaha Madaxweyne hore Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Garoowe

Madaxweyne hore Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Garoowe

21
0

Arbaco 20-ka March 2024, (Garowe-xog-ogaal) Waxaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah oo khamiis ah in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland in uu gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho, magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu halkaasi ku tagayo.

Ujeedada safarka Farmaajo ayaa waxaa ay tahay sidii uu kulamo kala duwan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxda kale ee Puntland, wararka kale ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne hore Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ay sameysan doonaan isbaheysi mucaraad ah oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maadaama labadaba ay kasoo horjeedaan habka hadda uu wax ku maamulo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa mid siweyn uga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse hadda ay u muuqato kuwo ka mideysan mucaaradnimada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ku wehliya Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Xildhibaan Sheekh Sheekh Axmed.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi kara shirarka ay Garoowe ku yeelan doonaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.