Khamiis 3-da August 2023, (Dh/mareeb-xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb ka furay shir looga hadlayo dib u xoreynta deegaannada Galmudug ay ka joogaan Al-shabaab, madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa deegaannada Dowladd galmudug Galmudug ee kala ah degmada ee gobolka Galgaduud iyo degaanada kale ee kala ah , Ceelgaras iyo Galhareeri oo dhammaantood ka tirsan Gobolkaa Galagaduud.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada Galmudug in la taageero howlgalka degaanadaas looga saarayo Al-shabaab degaanadaas, hase ‘ahaatee Dowlada Somaaliya ayaa wada abaabulka weji ga labaad ee howlgalka Al-shabaab looga saarayo degaaano ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle oo Xubno ka tirsan Alshabaab ay ku sugan yihiin.