Home Wararka Dibadda Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

38
0

Jimce 3-da November 2023, (Capetown -xog-ogaal) kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku nool dalkaasi Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday, Alle ha u naxariistee muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Ibraahim Ufurow Nuur Xuseen ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa xaafad hoostagta Degmada Gugulethu ee magaalada Capetown .

Mid kamid ah Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay uu ka shaqeeynayay dukaan , balse markii hore dhaawac kasoo gaaray rasaas ay burcada la beegsadeen uu u geeriyooday ciidamo Boolis oo gaaray dukaanka lagu weeraray Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayan falka burcadnimo ee lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika ayaa walaac ka muujiyay dilalka soo laab laabtay ee lagu haayo Soomaalida, iyaga oo ku baaqay in dilalkaas laga hortago, dilkan Muwaadinka Soomaaliyeed loogu geystay dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalkaas ay ku sugan yihiin Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, iyaga oo dowladda Koonfur Afrika kala hadlaya dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida.

Dhawaan ayaa Ciidamada Koonfur Afrika waxaa billaabeen inay xiraan goobaha Ganacsi oo ay leeyihiin dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida kamid yihiin halka kuwo kale ay amreen inay xiraan, taas oo Soomaalida ay walaac xoogan ka muujiyeen.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.