Home Wararka Gudaha Duqa Muqdisho oo qoraal cabasho ah u gudbiyey Xafiisyada QM & AMISOM...

Duqa Muqdisho oo qoraal cabasho ah u gudbiyey Xafiisyada QM & AMISOM ee Soomaaliya

359
0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa qoraal uu u diray Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Muqdisho, waxa uu si kulul ugu cambaareeyey falalka ka dhanka ah faya dhawrka iyo badbaadada deegaanka oo Xafiisyadaas ay kula kaceen xeebaha Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa iftiimiyey dedaalada joogtada ah ee ay ku bixinayaan Maamulka Gobolka Banaadir ilaalinta bilicda iyo faya-dhawrka Caasimadda, isagoona sheegay in ay jiraan labo goobood oo loo qorsheeyey maareynta qashinka, ayna si adag ula xisaabtamayaan cid kasta oo meel kale ku daadisa qashinka.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in Hey’addo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho ay si khaldan qashin ugu shubaan xeebaha magaalada, taasi oo dhibaato xoogan ku heysa shacabka gobolka iyo badqabka deegaanka.

“Qashinka lagu daadinayo xeebaha Muqdisho waxaa uu dhibaato weyn ku hayaa kheyraadka Badda, iyadoona dad fara badan oo nolol ka raadsan jiray kheyraadka badda ay dhibaatooyin la kulmaan, waxaana isa soo taraya cabashada ay shacabka ka muujinayaan Qashinka faraha badan ee lagu shubo xeebaha, waana in si dhab ah loo qaataa cabashada shacabka” Ayaa lagu yiri Qoraal uu Duqa Muqdisho u diray Xafiisyada UN-ka iyo AU-da.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.