Home Wararka Gudaha Ra,iisulwasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee Bankiga Adduunka iyo la...

Ra,iisulwasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee Bankiga Adduunka iyo la taliyaha dhinaca Aminga ee madaxweyne Donald Trump…

289
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa  shalay magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass, kaas oo dhawaan xilka loo doortay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda soomaaliya  iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Bankiga Adduunka ayaa kawada hadlay arimaha deyn cafinta Soomaaliya iyo sidii Bankiga adduunka uu door uga qaadan lahaa,iyada oo lagu wado in la qabto shir gaar ah oo looga hadlayo deynta cafinta soomaaliya

Dhinaca kale la-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa war kooban kasoo saaray kulan uu Aqalka Cad ee Mareykanka shalay kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

Qoraal kooban oo Bolton uu soo dhigay bartiisa twitter ayuu ku yiri “Waxaan aad ugu faraxsanahay in shalay aan marti-geliyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, [Xasan Cali] Kheyre, waxaana ugu hambalyeeyey is-beddelada dhaqaale ee Soomaaliya, aniga oo ku booriyey inay si joogto ah usii wadaan.”

Bolton ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Kheyre ay ka wada-hadleen “sida lagu soo dheereyn karo xiriirka xooggan ee Mareykanka iyo Soomaaliya ay ka wadaagaan arrimaha muhiimka ah oo ay ku jiraan ka hor-tagga waxa loogu yeero argagixisanimada iyo xasiloonida gobolka.”

Dhinaca kale Ra,iisulwasaaraha soomaaliya Xasan Cali kheyre  oo ka hadlay kulmadaasi ayaa sheegay in madaxdii uu la kulmay ay yeesheen wadahadallo miro dhal ah,isaga oo aan faahfaahin kale bixin,waxaana lagu wadaa inay kulamo kale la yeeshaan Bankiga Adduunka iyo dowladda Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here