Home Wararka Gudaha Shan Ruux oo lagu dilay goob ay ka socotay Xaflad Aroos Afgooye.

Shan Ruux oo lagu dilay goob ay ka socotay Xaflad Aroos Afgooye.

181
0

Arbaco 10-ka August 2022, (Afgooye-xog-ogaal) warar dheeraad ay ayaa laga helayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay xaflad Aroos oo ku taala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose, wararka hordhaca ah ee la helayo waxa ay sheegayaan in Tuulada Cadayleey oo u dhow degaanka Buulalow oo hoostaga degmada Afgooye ay tageen rag ku hubeysan AK47, isla markaasina ay rasaas ku fureen dadkii ku sugnaa xaflad arooska, iyadoo goobtii farxadda mar kaliya isu rogtay meel murugo iyo dhiig miiran ah.

Dad ku sugnaay goobta oo warbaahinta gudaha u sheegay iney geeriyoodeen 5 ruux, halka 9 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogashadan, dadka dhaawaca ah ayaa loola soo cararay xarumo caafimaad oo Afgooye ku yaala, ciidamo ka tirsan laamaha amaanka ee degmada Afgooye oo tagay halkaasi ayaa ka sameeyay howlgalo balaaran, iyagoo ku guul dareystay iney gacanta ku soo dhigaan ragii falkan ka danbeeyay, lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysay beegsiga kooxdan hubeysan ee xafladda arooska, waxeyse ku soo beegantay xili dhawaan sidan oo kale magaalada Cabudwaaq weerar dhimasho iyo dhaawac sababay loogu qaaday goob ay iyana ka socotay xaflad aroos.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.