Home Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan oo safarkiisii Sedexaad bil gudeheed ku Tagaya Magaalada Nairobi

Madaxweyne Xasan oo safarkiisii Sedexaad bil gudeheed ku Tagaya Magaalada Nairobi

19
0

Sabti 18-da May 2024, (Nariobi-xog-ogaal) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkii saddexaad oo xiriir ah muddo bil gudaheed waxaa uu maanta ku tagayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo todobaad ka hor uu halkaas booqasho todobaad ku dhow qaatay uu ku tagay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, xasan Sheekh ayaa bishii hore ee April labo jeer tagay Nairobi, mid ka mid ah safarkaas wuxuu uga qeyb galay shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka.

Safarka maanta ayaa la sheegay inuu yahay mid Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ku xoojinayaan isbaheysigooda dhanka Gobolka, waxaana arrimaha gaarka ah ee ka wada hadlayaan ka mid ah booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Kenya William Ruto uu 23 bishan May ku tagayo dalka Mareykanka, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.