Home Wararka Gudaha Maamulka G/Banaadir Iyo Taliska Booliska Oo Ka Shiray Amniga Muqdisho

Maamulka G/Banaadir Iyo Taliska Booliska Oo Ka Shiray Amniga Muqdisho

296
0

Waxaa xalay Xarunta Taliska Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir lagu qabtay kualn looga hadlaayay amniga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Shir gudoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,isla markaana ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko iyo Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasada Gobolka Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowladda.

Waxaan xalay yeelanay shirkii habeenlaha ahaa ee amniga Caasimadda kaas oo aan habeen walba uga hadalno dardargelinta hawlaha Amniga Caasimadda iyadoo guddiga kormeerka aan ka dhagaysanay warbixinta 24kii saac ee lasoo dhaafay”ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.