(Muqdishu-Xog-ogaal) Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta kaga doodaan Maamulka Maaliyadda dalka.
Akhrinta 3aad ayaa xildhibaanadu marsiin doonaan Hindise sharciyeedka maamulka maaliyadda sida uu sheegay shir guddoonka golaha shacabka.
Waxaana la filayaa in kulanka ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya.
Isniinta aynu ka soo gudubnay ayay xildhibaanada golaha shacabka akrinta koowaad marsiiyeen xeerka wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka,iyadoo sidoo kale loo qeybiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay ka hadlaan geeridii allaha u naxarisiteen Abwaankii Soomaaliyeed Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub oo shalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa.
xog_ogaal@live.com