Home Wararka Gudaha Guddoomiye Dhabancad: Dalka waxaa maanta Madaxweyne iyo Ra’isul wasaare ka ah guddoomiye...

Guddoomiye Dhabancad: Dalka waxaa maanta Madaxweyne iyo Ra’isul wasaare ka ah guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe

172
0

Jimce 29-ka April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal)  Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in guddoomiyaha cusub ee barlamaanka uu haatan yahay shakhsiga ay saaran tahay masuuliyadda ugu sarreysa ee dalka, guddoomiye Dhabancad wuxuu sheegay dhibaato badan kadib inuu dalku yeeshay dowlad cusub, isagoo xildhibaannada uga mahad celiyay sida ay dalka uga badbaadiyeen xaaladdii uu ku jiray iyo dulqaadkii ay u muujiyeen caqabadihii kasoo gaaray doorashadii xalay lagu doortay guddoomiyaha barlamaanka.

“Xildhibaannadu waa ku mahadsan yihiin, hambalyaan udirayaa. Waxaa la yiri dalka hala badbaadiyo, annaguna wixii nagu dhacay waan u bareernay, haddana waan soo afjaraynaa inta aan qoraxdu noo dhicin,” ayuu yiri Dhabancad, doorashada guddoomiye ku xigeennada koowaad iyo labaad ee barlamaanka ayaa hadda doorashadoodu ka billaabanaysaa xerada afisyooni. Waxaana iskusoo taagay tiro musharraxiin ah.

Doorashadan ayaa sidoo kale la filayaa inay noqoto mid uu loolan adag ku dhexmaridoono musharraxiinta kala taabacsan dhinacyada siyaasada isagoo horjeeda, kuwaas oo si aad ah ugu loolamay doorashada guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.