Home Wararka Gudaha Beesha caalamka oo soo dhoweysay doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya.

Beesha caalamka oo soo dhoweysay doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya.

106
0

Jimce 29-ka April 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Waxay beesha caalamka u hambalyeysay guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah, “Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashadan,” ayay tiri beesha caalamka.

Beesha caalamka ayaa ku boorisay barlamaanka labadiisa aqal in doorashada Madaxweynaha lagusoo dhameeyo si dhakhso leh oo lagu kalsoonaan karo, si madaxda Soomaaliya ee lasoo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha mudnaanta u leh shacabka, xalay ayay ahayd markii lasoo gabagabeeyay doorashadii guddoonka barlamaanka Soomaaliya, kadib markii la doortay guddoomiye ku xigeennada barlamaanka.

Sabtida, labada aqal ayaa ka shiridoona doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la diyaarindoono guddiga qaban doorashada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.