Home Wararka Gudaha Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay cambaareyn uga timid Beesha Caalamka

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay cambaareyn uga timid Beesha Caalamka

203
0

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay cambaareyn uga timid qaar kamid xubnaha beesha caalamka, kuwaas oo sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabkii kalsoonida looga la noqday xukuumaddii uu hogaaminayay ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre.

Shirka golaha wasiirada oo uu shir gudoominayay sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa looga hadlay hadaladii kasoo baxay Mareykanka iyo Midowga Yurub.

“Golaha wasiirada waxay bogaadiyeen taageerada beesha caalamka ay marwalba la garab taagan tahay dowladda federaalka, haddana dhinaca kale waxay golaha wasiirada ay safiirada iyo dowladaha aan saaxiibka nahay ka codsadeen inay ixtiraamaan madaxbanaanida, dastuurka iyo go’aamada hey’adaha dastuuriga ee dowladda”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wuxuu intaa raaciyay in wixii tala ah ee ay hayaan ay tahay inay u maraan wado diblomaasiyadeed.

Sidoo kale sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha, Mahdi Guuleyd ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray “gollaha wasiirada waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in saaxiibadeen beesha caalamka ay ixtiraamaan madaxbanaanida dalkeena iyo dastuurkeena”.

Hadalka dowladda federaalka ayaa yimid kaddib markii Mareykanka iyo Midowga Yurub ay sheegeen in xil ka qaadistii Kheyre ay ahayd mid aan waafaqsaneyn nidaamka.

Madaxa siyaasadda arimaha dibedda iyo ammaanka ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in hannaankii uu Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya u maray kalsooni kala laabashada xukuumadda ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu ahaa “mid aanan buuxin shuruudaha dastuuriga ah”.

Waxa uu intaa raaciyay in Soomaaliya ay waxbadan u dhiman yihiin marka laga hadlayo doorasho ay shacabka u codeeyaan madaxdooda, inta xilligaasi laga gaaranaya ay hogaamiyayaasha siyaasadda dalka mas’uuliyad ka saaran tahay siyaasad qaran oo is-ogol ku dhisan.

“Midowga Yurub waxa uu si taxadar leh u dersi doonaa wixii Sabtadii dhacay, cidda mas’uulka ka ah iyo inta ay xaaladdaasi Soomaaliya ka weecin karto horumarka ay sameynayso,” ayuu yiri Borrell oo war saxaafadeed ka soo saaray arimaha Soomaaliya.

Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in habraacii baarlamaanka uu dib u dhac u keenayo qorshihii dib u habeynta iyo taageerada Maraykanka uu siinayay Soomaaliya.

“Xasilooni, ammaan iyo horumar oo keliya ayaa lagu gaari karo wax wada qabsi iyo hogaamiyaasha Soomaaliyeed oo meel dhexe isugu yimaadaan”.

“Haddii shaqsi ama hay’ad ay raadiso inay awoodda keligeed maroorsato waxa ay carqaladaynaysaa xasiloonida qaranka oo dhan.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

“Safaarada Maraykanka waxa ay sii wadaysaa inay gacan ka geysato sidii doorasho federal ah oo waqtigeeda ku dhacda kana timaada wadatashi iyo wadahadalo wax ku ool ah oo lala yeesho dhammaan saamileyda.”

Guddoomiyaha gollaha shacabka, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal ayaa 25-kii bishan sheegay in xildhibaano gaaray 170 ay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaare Xassan Cali kheyre, haseyeeshee arrintaas waxaa su’aal geliyay qaar kamid ah xildhibaanada oo sheegay in xilk-ka qaadistaas “aysan ahayn mid waafaqsan dastuurka”.

Hadalka beesha caalamka ayaan la ogeyn waxa uu u dhimmi karo taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo la filayo inay gacan ka geystaan doorashooyinka.

Dowlada Soomaaliya ayaa horay dalka uga saartay wakiilkii gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ka dib markii uu warqad ku aaddan rabshadihii ka dhacay Baydhabo u diray wasiirka amniga gudaha.

Dowladda ayaa xilligaas sheegtay in Haysom uu galay khaladaad badan, isla markaana uu wasiirka amniga gudaha ula dhaqmay sida mas’uul isaga ka amar qaata.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.