Home Wararka Gudaha Gudigga doorashooyinka Puntland oo Gudoonkooda doortay.

Gudigga doorashooyinka Puntland oo Gudoonkooda doortay.

290
0

Guddiga ku meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan TPEC ayaa guddoomiye u doortay Guled Saalax, halka ay guddoomiye ku xigeenka gudigga ay u doorteen u doorteen Jamac Hirsi Farah iyagoo afhayeenka Gudiga u doortay Cabdinur Shiikh.

Cabdinuur Sh. Isxaaq ayaa qaar kamid ah Warbaahinta u sheegay in doorashadu dhacdey xalay xili danbe, guddiguna isku raaceen Guddoomiye in uu u noqdo Guuleed Saalax, sidoo kale waxa Cabdinuur Sh. Isxaaq sheegay in ku-xigeen loo doortey Jaamac Xirsi, waa lala tartamey ayuu yiri laakiin ma sheegin xubinta la tartantey.

Guddiga doorashada Puntland ayaa afhayeen u doortey weriyaha ruug-cadaaga ah ee Cabdinuur Isxaaq.

Guuleed Saalax guddoomiyaha guddiga kumeel-gaarka ah ee doorshooyinka Puntland ayaa horay usoo noqday Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland, sidoo kalena waa aasaasaha xarunta cilmi baarista ee SIDRA, horay ayaa loo saadaalinayay in Guuleed noqon doono gudoomiyaha gudigga.

Gudigga doorashooyinka ayaan weli codka kalsoonida ka helin Baarlamaanka Puntland, dhankiisa waxaa xubnahaan sharci daro ku tilmaamey Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.