Home Wararka Gudaha Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay burcad dhacgeysatay

Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay burcad dhacgeysatay

15
0

Isniin 13-da MAY 2024, (Mogadidhu-xog-ogaal) Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa  gacanta Ku soo dhigey Koox  ku eedeysan fal Burcadnimo  oo Taleefoono ka dhacdey  dad Shacab ah , war qoraal ah ka soo baxay Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa u qornaa sidaan, maanta Taariikhda 13-05-2024  abaaro  07:30 subaxnimo ah ayaa Waxaa Muwaadiniin Soomaaliyeed  Lagaga Dhacay Telefoonada Gacanta Degmada Heliwaa .

Dhibanayaashii Waxay Degdeg Ula Xiriireen  Xarunta Gurmadka Degdega ayagoo toos u wacay nambarka Gaaban  991  Kuna war geliyey In La dhacay, xarunta Gurmadka  ayaa Sitoos ah u Howl gelisay Ciidanka Booliiska ee  u dhawaa goobta dhaca laga geystey.

Waxaan Si degdeg ah ugu Gurmaday  Saldhigga Boliiska Heliwaa Kaas oo  Raad Raac kadib Gacanta Ku soo Dhigey  Toogadii iyo Mooto Bajaaj ay Wadteen waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay Quseyso ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay  Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Muddooyinka dambe  Falalka la xiriira dhaca telefonada Mobeelada ayaa ku soo badanayay  Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadooo kooxa dhaca geystay  ay ku xararaan Mooto Bajaaj Markii  falka ka dhaca ah ay geystaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.