Home Wararka Gudaha Xuutiyiinta Oo Markii 4-Aad Daroon Ku Weeraray Garoon Ku Yaalla Sacuudiga….

Xuutiyiinta Oo Markii 4-Aad Daroon Ku Weeraray Garoon Ku Yaalla Sacuudiga….

228
0

Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay saakayto Diyaarad Daroon oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa ku weerareen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Abhaoo ku yaalla Koonfurta Sacuudiga.

Telefishinka Kooxda Xuutiyiinta ee Al-masirah ayaa shaaciyey in Diyaarad Daroon lagu weeraray Garoonka Abha ee Sacuudiga, waana weerarkii 4-aad ee ay Kooxdaasi la beegsadaan Garoonkaasi hal Toddobaad gudihiisa.

Dowladda Sacuudiga weli maysan xaqiijinin weerarka ay Xuutiyiinta sheegteen inay saakayto ku qaadeen Garoonka Abha.

Kooxda waxay kaloo Sabtidii la soo dhaafay sheegteen inay Diyaarado Draoonis ah ku weerareen Labo Graoon oo ku kala yaalla magaallooyinka Abha iyo Jizaan ee Koonfurta Sacuudiga.

Sidoo kale, Arbacadii la soo dhaafay, waxay Kooxda Xuutiyiinta gantaal ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Sacuudiga, halkaasi oo ay 26 qof ku dhaawacmeen.

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.