Home Wararka Gudaha Xuseen Macalin oo ka hadlay wararka sheegaya inuu saraakiil Itoobiyaan ah la...

Xuseen Macalin oo ka hadlay wararka sheegaya inuu saraakiil Itoobiyaan ah la kulmay.

214
0

Sabti 4-ta June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal hayay oo sheegayay inuu saraakiil ka tirsan TPLF ee ka dhisan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Ethiopia uu kula kulmay dalka Jabuuti, xuseen Macalin ayaa qoraal uu ku daabacay barihiisa bulsho wuxuu ku sheegay ineysan waxba ka jirin wararkaasi, isagoo cadeeyay inuusan wali ka dhoofin Muqdisho tan iyo markii loo magacaabay xilka 24-kii bishii hore ee May.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka uu soo dhigay twitter, si kastaba, Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo oo dagaal xooggan oo dhanka baraha bulshada ah ku hayey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay ku dhowaad saddex toddobaad kahor.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.