Home Wararka Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in madaxweynaha Koonfur galbeed uu ka qeyb galayo...

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in madaxweynaha Koonfur galbeed uu ka qeyb galayo shirka golaha wadatashiga qaran

202
0

(Mogadishu-Xog-ogaal) Afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta gareen uu ka qeyb galayo shirka golaha wadatashiga qaran ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha koonfur Galbeed Lafta gareen ayaa dhawaan shaaciyay inuusan ka qeyb gali doonin shirka wadatashiga, isagoo u sababeeyay faro galin uu raysal wasaare Rooble ku sameeyay guddiga hirgalinta doorashada aqalka hoose ee heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed.

Raysal wasaare Rooble ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddomiyihii guddiga xallinta khilaafaadka doorashada iyo xubno kale, kadib markii uu ku eedeeyay in ay ku kaceen hab dhaqan ka dhan ah anshaxa doorashada.

Afhayeenka xukuumada ayaa sheegay inuu socdo diyaar-garowga furitaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.