Home Wararka Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo dib u fasaxday isticmaalka UN-Terminaal ee garoonka Aadan Cadde

Xukuumadda Soomaaliya oo dib u fasaxday isticmaalka UN-Terminaal ee garoonka Aadan Cadde

135
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dib u furtay  isticmaalka UN Terminal ee garoonka Aadan Cadde oo aheyd qeyb u gaar ah isticmaalkeeda UN-ka, AMISOM iyo dhamaan Ajaaniibta degan Xerada Xalane.

Ternimaalkan oo ay dhawaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya sheegtay iney xirtay ayaa haatan Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay iney dib u fasaxday isticmaalka Terminaalkaasi.

Amarka in dib loo furo Terminaal UN ee garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa bixiyay wasiika Amniga Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur, kadib wadahadalo dhexmaray wasiirka iyo Diblumaasiyiinta ku sugan Xerada Xalane.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ee kala bixiyay amarada lagu xiray Terminaalka iyo kan dib loogu furay ayaa ah laba wasiir oo saaxiibo dhaw la kala ah madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo xiligaan khilaaf noocii ugu darnaa uu ka dhex taagan yahay, waxayna arintaan dab kusii shideysa khilaafka ka dhex jiray labada dhinac oo ku loolamaya dhanka awooda.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.