Afhayeenka xukuumada ayaa sheegay in xubnaha laga saaray guddiga ay hab dhaqan baalmarsan anshaxa doorashada kula dhex jireen guddiga, wuxuuna caddeeyay in guddiga oo ka kooban 21 xubnood uu howshiisa sii wadan doono.
Golaha midowga musharraxiinta oo soo dhoweeyay tallaabada xilka qaadista ayaa dhinaca kale dalbanayay in dib loo saxo go’aannadii guddigan uu horey u gaaray oo uu muran badan ka taagnaa.
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa fasaxay kuraas la isku haystay oo laga cabanayay, waxayna dhaleecayn weyn kala kulmeen midowga musharraxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Xil ka qaadistooda ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii ay warbaahinta ka hadleen iyagoo sheegay in faro galin lagu hayo shaqadooda.
Xubnaha xilka laga qaaday ayaa kasoo horjeestay go’aanka xil ka qaadista oo kasoo baxay raysal wasaaraha, waxayna ku tilmaameen mid sharci darro ah.