Home Wararka Gudaha Xukun adag oo lagu riday Xaaska Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya

Xukun adag oo lagu riday Xaaska Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya

130
0

Isniin, 30-ka Janaury 2023, (Muqdisho-Xog-ogaal) Haweenay la sheegay inay tahay Xaaska Horjoogaha Daacishta Soomaaliya ayay maanta Maxkamadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ku ridday xukun adag.

Haweenaydaas oo lagu magacaabo Fartuun Cabdirashiid Xuseen ayay Maxkamaddu sheegtay inay isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo, Faysa iyo magacyo kale), waxaana haweenaydan loo soo xeray kamid ahaanshiyaha ururka Daacish oo la sheegay inay u qaabilsanayd arrimaha lacagta.

Ciidamada Amniga ayaa haweenaydan ka soo qabtay degmada Hilwaa ee xaafadda suuqa xoolaha kadib markii hay’adda Nabad-Sugidda ay ogaatay inay xiriir shaqo kala dhexeysay madaxii warbaahinta kooxda Daacish, ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunida, ninkaasoo lagu magacaabo Bilaal Alsidaani ayay howlgal gaar ah ku dileen ciidamada caawiya Soomaaliya, 27-kii January, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waxaa la sheegay in haweenaydani uu qabay horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin oo sida la sheegay la iska baray telephone-ka sanadkii 2010, xilligaas oo uu Alshabaab ahaa, una qaabilsanaa maktabka Dacwada, waxayna ku aqal galeen Muqdisho sanadkii 2011-kii.

Haweenaydan oo Daacish u xil-saarnayd lacag u diridda teleefoono gaar ah oo ay badi lahaayeen haween la safan Daacish ayaa sidoo kale waxa ay marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada Muqdisho ku dhuumaalaysta amaba ku cusub.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii bishii November 2022,  waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun

Maanta ayaa Fartuun Cabdirashiid Xuseen Maxkamdduu ku xukuntay 8-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu waraahinta uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.