Home Wararka Gudaha Xisbiyada Mucaaraadka Somaliland oo sheegay in ay dib u dhigeen banaanbixii ay...

Xisbiyada Mucaaraadka Somaliland oo sheegay in ay dib u dhigeen banaanbixii ay maanta iclaamiyeen

152
0

Sabti 11-da June 2022, (Hargeysa-xog-ogaal)Xisbiyada  Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa dib u dhigay banaanbax weyn  oo maanta lagu waday in uu ka dhaco guud ahaan degaanada maamulka Somaliland, islamarkaana looga soo horjeeday in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Somaliland, gudoomiyaha xisbiga Wadani Mudane Xirsi Cali Xasan ayaa sheegay in banaanbaxyadii maanta la baajiyay ka dib markii ay ka codsaday in ay dhexdhexaad bilaabaan Odayaasha dhaqanka ee Somaliland, gudoomiyaha ayaa sheegay in banaaanbaxyada ay bilaaban doonaan haddii ay dhici weyso doorashada xilligii loogu tala galay.

“Inta muuse sharciga ka warwareegayo joojin mayno mudaharaadka, laakiin waxaan caawa taageerayaasha u sheegayaa in gudigii na dhexdhexaadinayay ay naga codsadeen maalmo kooban in aanu hakino mudaharaadka sidaa darteed waxaanu fursad kooban siinaynaa inta wanaaga na dhex-wada.”ayuu yiri gudoomuiye Xirsi, sidoo kale Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa dhankiisa sheegay in uu taageersan yahay guddiga isxilqaamay ee dhexdhexaadinta wadda.

“Annagoo dhawraynaya Ballankii aanu la galnay Guddidii Is xilqaantay, waanu hakinnay Mudaharaadkii Sabtida aanu iclaaminnay..,” waxaa sidaasi yiri Gudoomiyaha xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.