Home Wararka Gudaha Xildhibaano dalbaday in guddi loo saaro kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil

Xildhibaano dalbaday in guddi loo saaro kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil

131
0

Isniin 13-ka Juune 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan maqnaanshaha Ikraan Tahliil oo kamid aheyd Saraakiisha Hay’adda NISA kadib markii Agaasimihii hore ee Hay’adda Fahad Yaasiin uu ku eedeeyay inay dileen Al-Shabaab uuna qorsheeyay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Maanta hadal ka jeediyay Kulanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in uusan ku qancin isku eedeynta faraha badan ee maqnaanshaha Ikraan Tahliil iyo hadalkii kasoo yeeray Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Wuxuu sheegay in iyaga oo ah tiro Xildhibaano ah oo sigaar ah u matala Ikraan Tahliil markii ay arkeen in si cadaalada ah aan loo wajhin kiiskaas, isla markaana mas’uuliyiintii la rabay inay baaraan ay isku eedeeynayaan ay dalbanayaan in loo saaro guddi baara oo ka kala socda Golaha Shacabka iyo Xafiiska Madaxweynaha, kiiska Maqnaanshaha ikraan Tahliil ayaa sanad jirsaday, waxaana madaxdii hore ee NISA ay horay u sheegeen inay dileen Ururka Al-Shabaab, hayeeshee Waalidiinta Ikraan ay sheegeen in Gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta Hay’adda NISA kadib markii ay dilkeeda iska fogeeyeen Al-Shabaab.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.