Sabti 2-da April, (Mogadishu-xog-ogaal) Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug) ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyey ee qaata shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa laga doortay Magaalada Kismaayo, waxaana uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka.
Xildhibaanku waxa uu ku soo baxay kursiga; HoP#108.