(Garowe-xog-ogaal) Abdi Ibraahin Warsame Qowdhan ayaa loo doortey Xildhibaanka kursiga kursiga tirsigiisu yahey hop 196 ee Gollaha shacabka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Qowdhan ayaa tartan uusan ka furneyn kursigiisa, waxaana la tartamay mid ka mid ah ilaaladiisa oo Malxiis ahan uga qeyb galay.
Cabdi Ibraahim Qowdhan ayaa hadda ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland, afar kursi ayaa hadda dhiman kuwaasoo qeyb ka ah doorashada maanta lagu balamay in Garowe lagu doorto.