Home Wararka Gudaha Xildhibaanada Hirshabelle oo ku kala qeybsamay hadal ka soo baxay gudoonka Baarlamaanka…

Xildhibaanada Hirshabelle oo ku kala qeybsamay hadal ka soo baxay gudoonka Baarlamaanka…

313
0

(Jowhar-Xog-ogaal) Xubnaha barlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa kukala qeybsamay hadal ka soo baxay gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas oo lagu fasaxay kulamada baarlamanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Sheikh Cusmaan Bare Mxamed ayaa isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho waxa uu qoraal u diray xildhibaanada isaga oo ku wargeliyay in ay xiranyihiin kulamada baarlamaanka taas oo kala qeybisay xildhibaanada.

Dhinaca kalana gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Hirshabelle oo shir jiraa’iid ku qabatay magaalada Jowhar ayaa ka soo hor jeesatay go’aanka gudoomiyaha waxaana ay sheegtay in uusan xaq u lahayn in uu xiro kulamada baarlamaanka isaga oo ku maqan meel kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro abaabulka Mooshin looga soo hor jeedo gudoomiye Sheikh Cusmaan Bare oo ay wadaan qaar ka mid ah xubnaha ku jira baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Sheikh Cusmaan Bare Mxamed ayaa dhankiisa kulamo waxa uu ka wadaa magaalada Muqdisho oo uu ku suganyahay taas oo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhashay go’aankii uu horay ugu dhawaaqay.

 

Xog_ogaal@live.om

 

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.