Home Wararka Gudaha Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Muhiim Ah Yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Muhiim Ah Yeelanaya

271
0

(Muqdishu-Xog-ogaal) Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17-Bisha June 2019, ayaa waxaa uu yahay akhrinta 1-aad wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka.

Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya lagu wargeliyay in Maanta uu jiro kualnka,isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

Kulankii Golaha Shacabka ay yeelan lahaayeen Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu u baaqay sababo la xiriira Kooram la’aan,hayeeshee kulankooda Maanta ayaa saacadaha soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.

xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.