Sabti 12-ka Maarso, (Garowe-xog-ogaal) Xildhibaan Sacdiya Salaad ayaa sannadkan lumisay kursiga Golaha Shacabka Hop#129 ee Beesha Carab Saalax kadib markii Kursigaas laga xiray Jifada ay ka dhalatay.
Suldaanka Guud ee Beesha Carab Saalax, Suldaan Cabdulqaadir Cumar Faarax Shabeel ayaa kursiga Hop#129 u asteeyay Jifada Reer Cali Maxamuud.
Suldaanka ayaa go’aamiyay in musharrixiinta Jifida Reer Cali Maxamuud oo keliya ay ku tartami karaan Kursigaas Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Halkaan ka akhriso qoraalka

