Home Wararka Gudaha Xildhibaan Maxamud Maxamed Seysey oo Muqdisho ku geeriyooday

Xildhibaan Maxamud Maxamed Seysey oo Muqdisho ku geeriyooday

100
0

Sabti 18-da Maarso 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) Allaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya, sida u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, “waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayuu Sheekh Aadan Madoobe ku yiri bayaan uu soo saaray.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuum-ka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda, marxuumka ayaa muddo ka badan 15 sano kamid ahaa barlamaanka Soomaaliya. Wuxuu kamid ahaa xildhibaannada lasoo doortay Hirshabeelle, weli lama xaqiijin waxa uu u geeriyooday, inkastoo xogo aan ka helany qaar kamid ah eheladiisa ay sheegayaan inuu u geeriyooday xanuun hayay awgeed.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.