Home Wararka Gudaha Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho & Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay

Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho & Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay

136
0

Talaado 20-ka September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed  Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku geeriyooday magalada Muqdisho.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow,” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan, guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuum Booroow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dalkeena, Isla markaana door weyn kulahaa dowlad dhiska Soomaaliya

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskiisa Xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed,  Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo laga soo doortay degaannada Koonfur Galbeed ayaa bilihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada muqdisho, iyada oo ugu dambeyn uu xalay geeriyooday.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.