Home Wararka Gudaha Xiisad colaadeed oo ka taagan Garowe iyo dadka oo barakac bilaabay…

Xiisad colaadeed oo ka taagan Garowe iyo dadka oo barakac bilaabay…

6
0

Axad 19-ka November 2023, (Garowe-xog-ogaal) Warrarka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ah kuwa dawladda oo ka yimid Boosaaso ay soo gaareen halkaas, xili ay sii kordhayso baqdinta la xiriirta in rabshado ka dhashaaan muranka doorashada ee ka taagan Puntland, sawirro lasoo bandhiggay ayaa muujinaya dad ka qaxaya xaafaddaha qaar, iyadoo badi iskuullada la xiray.

Garoowe waxa horey ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga kororsado, qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.