Home Wararka Gudaha Xawaaladaha Nairobi oo dib u shaqo billaabay kadib baaritaan lagu sameeyey…

Xawaaladaha Nairobi oo dib u shaqo billaabay kadib baaritaan lagu sameeyey…

330
0

(Nairobi-Xog-ogaal Newspaper) Qaar ka mid ah xawaaldaha Soomaalida ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa dib u shaqo bilaabay kadib markii sacaado ay ireen ciidamada Kenya oo baaritaano ka sameeyey.

Ciidamada ayaa barqanimadii galay xawaaladaha oo baaritaano ka billaabay, taasi oo sababtay inay macaamiisha geli waayaan, hase yeeshee baaritaanka kadib ayaa xawaaladaha dib loo fasaxay, waxayna hadda caadi u wataan shaqadooda.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan sababta loo galay xawaaladaha, hase yeeshee waxay u muuqataa inay qeyb ka tahay dagaal iyo olole xooggan oo ka dhan ah Soomaalida iyo hantidooda oo dowladda Kenya ay waddo.

Kenya ayaa xalay Visaha dalkaas u diiday mas’uuliyiin Soomaali ah, kuwaas oo saddex ka mid ah baryey garoonka Jomo Kenyatta, halka qaar ay ku baxsadeen baasabooro ajnabi ah.

Kenya ayaa sidoo kale toddobaad ka hor joojisay in duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi kuna amartay inay soo maraan Wajeer.

Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaal Kenya ku dooneyso inay Soomaaliya ku qasabto inay ka laabato kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, oo u muuqda mid ay guul-darro uga soo socota.

Xog-ogaal Newspaper

Xafiska Muqdishu

Xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.