Home Wararka Gudaha Xasan Firimbi” Qalbi-dhagax waxaa Gabre u dhiibay Madaxweyne Farmaajo waana noo qirtay”

Xasan Firimbi” Qalbi-dhagax waxaa Gabre u dhiibay Madaxweyne Farmaajo waana noo qirtay”

186
0

(Nariobi-xog-ogaal) Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firimbi) oo saaka wareysi bixiyay ayaa soo bandhigay xog ku saabsan sababta ka danbaysay dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah hoggaamiyaasha jabhadda ONLF.

Xildhibaan Xasan Firimbi ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu noqday madaxweynaha keliya ee dalka soo maray ee muwaaddin Soomaaliyeed u dhiibay kooxdii TPLF ee ka talin jirtay Itoobiya.

Xasan Firimbi ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu si gaar ah Qalbi-dhagax ugu dhiibay sarkaalkii Soomaalidu u taqaanay Gabre ee wakhtigaas ka tirsanaa dowladda Itoobiya.

Qalbi-dhagax waxaa Gabre u dhiibay Madaxweyne Farmaajo, waana noo qirtay anagoo sagaal xildhibaan” ayuu yiri Xildhibaan Firimbi oo wareysi siiyay suxufi Ayaanle Xuseen Cabdi.

Sidoo kale wuxu sheegay in Madaxweyne Farmaajo mas’uul ka ahaa go’aankii xukuumadda Federaalka Soomaaliya Argagixisada ugu dartay jabhadda ONLF.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.