Home Wararka Gudaha Xal la sheegay in laga gaaray geedi socodka kulamada golaha shacabka iyo...

Xal la sheegay in laga gaaray geedi socodka kulamada golaha shacabka iyo sida warbaahinta laga yeelayo

324
0

Gudoonka Golaha shacabka Soomaaliya iyo guddi Xildhibaano ah ayaa kulamo gaar ah ka yeeshay sidii xal looga gaari lahaa xiisadii ka dhalatay in Warbaahinta banaanka looga saaro kulan Xildhibaanada amaanka uga doodi lahaayeen.

Sida aan Wararka ku helnay Gudoonka golaha shacabka iyo Xildhibaanada ayaa isku afgartay in laga gudbo xiisadii dhalisay in dhawaan buuq ku dhamaado kulankii Golaha shacabka ay ku hor yimaadeen Wasiiro iyo taliyaal ciidan oo Baarlamaanka looga yeeray.

Gudoonka Golaha shacabka iyo Guddiga Xildhibaanada ayaa isku raacay in kulanka uu qabsoomo maalinta sabtida uuna ajandaha kulanka ahaado dooda amniga, waxaana kulankaasi oo Xildhibaanada kaga doodi doonaan amniga loo ogolaan doonaa Warbaahinta.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kulanka xiga kan sabtida in lagu balamay in Golaha shacabka ku hor yimaadaan Wasiirada iyo taliyaasha loo yeeray si Warbixino looga dhageesto, waxaana kulankaasi banaanka ka joogi doona Warbaahinta.

Gudoonka golaha shacabka iyo Xildhibaanada qaar ee kulmay ayaa sidoo kale ka dooday in kulamada Baarlamaanka laga mamnuuco Warbaahinta, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in wax laga bedelo qaabka ay Warbaahinta u yimaadaan xarunta Baarlamanaka.

Kulamdii ugu dambeeyay ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kusoo dhamaaday kooram la’aan iyo buuq, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in kulamada Baarlamaanka u qabsoomi waayo sidii loogu tala galay.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.