Home Wararka Gudaha Xaashi Cumar Xassan oo lagu diley Muqdisho kadib markii Gaarigiisa Qarax loogu...

Xaashi Cumar Xassan oo lagu diley Muqdisho kadib markii Gaarigiisa Qarax loogu xirey

179
0

Arbaco 6-da July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Xaashi Cumar Xassan oo muddo 16 sano ah ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Talyaaniga, ayaa maanta Muqdisho lagu diley kadib markii gaarigiisa qarax loogu xiray, gaariga uu watey Xaashi ee qaraxa lagu xiray ayaa qarxay xilli uu ka baxaayey gurigiisa oo ku yaaley degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho. Dad goobta ku dhawaa ayaa warbaahinta u sheegay in uu isla halkaas ku nafbaxay Xaashi,  ayaa loo haystey dilka gabadh weriye ahayd oo la diley sanadkii 1994, taas oo wadey baaritaan ku aadan suntii lagu duugey xeebaha Soomaaliya, oo ay ku lug lahaayeen Maafiyo Talyaani iyo qaar ka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, oo hub uga beddeshey sunta lagu duugey xeebahooda.

Xaashi Cumar ayaa dalka Talyaaniga tegay sanadkii 1998, laakiin waxaa loo xirey dilkii dhacay 1994, waxaana maxkamadiisu socotey muddo dheer. Maxkamad ku taala Rime ayaa sanadkii 2000 ku xukuntey 26 sano oo xabsi taas oo uu ka qaatey 16 sano waxaana la sii daayey sanadkii 2016, kadib maxkamad kale oo ku taala magaalada Perugia ay dib u furtey galka dacwadda waxaana Jeele nin la yiraahdo uoo kamid ahaa kuwii ku markhaanti furey uu caddeeyey in uu ahaa hawl la soo abaabuley oo Xaasho aanu denbiga gelin markii horena been-abuur ku sameeyey, Maxkamadda ayaa u xukuntey magdhaw gaaraya €3.1 Milyan oo lacagta Euro ah, mid kamid ah ehelkiisi oo 2016 Maxkmadda dhexdeeda weriyaasha kula hadley ayaa yiri kuwii shirqooley Xaashi waxay weli ku raaxaysanayaan magaalada Muqdisho waana in caddaaladda la horkeenaa, qaraxan ayaa la is weydiin dhanka laga soo abaabuley, in uu weli xiriir la lee yahay Xabsigiisi, dilkii gabadha iyo kooxdii isku daydey in ay isaga denbiga ku wareejiyaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.