Home Wararka Gudaha Xaaf “Wax badan ayaa jira, hal sano gurigeyga Xamar ma tagin, Cadaado...

Xaaf “Wax badan ayaa jira, hal sano gurigeyga Xamar ma tagin, Cadaado diyaarad ayaan ku dul maraa”

318
0

(Dhuuso mareeb-Xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ayaa ka hadlay culeysyada maamulkiisa ka heysta dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ahaa kuwo soo jiitamayay.

Madaxweyne Xaaf ayaa uu sheegay in culeysyada heysta ay sabab u noqdeen inuu tagi waayo guri uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, sidoo kalena aanu awood u leheyn inuu tago magaalada Cadaado oo ka mid ah deegaanada Galmudug.

“Wax badan ayaa jira, hal sano aniga xitaa gurigeyga ma tagin, Xamar ma tagin hal Sano, Cadaadana diyaarad baan ku dul maraa, Laakiin intaas oo dhan dagaal baan ka xigaa waana gaari doonaa Insha Allaah” ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday mashaariicyo horumarineed oo Madaxweyne Farmaajo uu ka dhagax dhigay deegaanada Galmudug, kuwaasoo waxba aaney ka dhaqan gelin, isagoo balan qaaday iney isku tashi sameysanayaan.

“Dadka naga soo horjeeda wanaaggeena ma rabaan, halkaan maalintii aynu imaaneynay oo ugu horeysay meelo badan ayaan dhagax dhignay, wax sooo laabto ma aragteen, ma arag mana arki doontaan, Cidna naguma gumeysaneyso Galmudug, waa ka shaqeysaneynaa waana joogeynaa, wax badan oo aan loo jeedinna wey noo imanayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu dambeyn sheegay in uusan jirin khilaaf kala dhaxeeyay madaxdii Alu-Sunna ee lagu biiriyay maamulka Galmudug, isagoo sheegay in qoraalada la isla dhex marayay baraha Bulshada laga diray magaalada Dhuusamareeb oo sida uu qiray ay joogaan dad isaga ka soo horjeeda.

Xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.