Home Wararka Gudaha Xaaf oo shaaciyey in doorashada Galmudug la qabanayo dhawaan, sheegayna inuu burburay...

Xaaf oo shaaciyey in doorashada Galmudug la qabanayo dhawaan, sheegayna inuu burburay heshiiskii Ahlu Sunna

273
0

(Cadaado-Xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa markii uu ka tagay magaalada Dh/mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa isaga oo ku sugan deegaanka Godinlabe warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu burburay heshiiskii ay wadagaleen maamulkiisa iyo ururka Ahlu Sunna, waxaa kale oo uu sheegay Xaaf in doorashada Galmudug lagu qabanayo waqtigii looga talagalay oo ah bisha Juyly, laguna qaban doono magaalada Cadaado.

Mr. Xaaf waxaa kale oo uu sheegay in meel aan aheyn Cadaado aan lagu qaban karin doorashada madaxtinimada Galmudug, wuxuuna xusay in isagu u qaban-qaabinayo doorashada madaxtinimada ee maamulka Galmudug, wuxuuna dhinaca kale ka biyo diiday in Dhuusamareeb lagu qabto doorashada madaxtinimada Galmudug.

Dhinaca kale madaxa xukuumadda Galmudug oo isna warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in doorashada madaxtinimada Galmudug ay dhaceyso bisha July oo ah xilliga loogu talagalay, wuxuuna intaasi ku daray in doorashada lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta maamul goboleedka Galmudug.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.