Home Wararka Gudaha Weerar madaafiic ah oo lagu qaaaday saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada...

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaaday saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada Liyuu boolis

136
0

Jimce 26-ta August 2022, (Yeed-Xog-ogaal) Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yeed oo ka tirsan gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa waxay sheegayaan in saldhig ciidamada Liyuu boolis ee dowlad deegaanka halkaasi ku leeyihiin ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab, goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday xerada ciidamada Liyuu boolis, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen gudaha xerada ciidamada Liyuu boolis, isla markaana khasaare xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab, wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan ciidamada Liyuu boolis dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ku jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Yeed ee gobolka Bakool.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Yeed ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, balse maalmihii la soo dhaafay ay kordheen howlgalada ay sameeynayaan ciidamada Liyuu boolis maadama dhowr jeer ay Al-shabaab weeraro ka geysteen xadka gobolka Bakool & dowlad deganka Soomaalida.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.