Home Maqaalo Wax ka baro todobada nooc ee ay dumarka u kala baxaan?

Wax ka baro todobada nooc ee ay dumarka u kala baxaan?

4164
0

Aqristayaasheena sharafta lahoow waxaan maanta idiin soo gudbineynaa qormo xiiso gaar ah xambaarsan oo aan uga hadleyno noocdyada ay u kala baxaan dumarka adduunka jooga oo ay ka mid yihiin kuwa Soomaalida ah, waxaana la sheegaa in dumarku ay u kala baxaan todobo nooc oo lix ka mid ah ay muhiim tahay in laga fiirsado guurkooda, waxayna todobadaasi nooc u kala baxaan sida tan.

Afar ka mid ah dumarkaas waxaa lagu magacaabaa ilmo taagood:

  1. Aftaag
  2. Gacan taag
  3. Lugtaag
  4. Iltaag
  5. Aftaag: Midda aftaaga lagu sheegay waxa weeye naag afar iyo laatan saac careysan oo aan la garaneynin waxa laga haleeyay iyo waxa ka maqan, middani waxaa la yiraahdaa Jinni tuur bey leedahay oo afar berri way qosleysaa, afar berina way careysantahay, middaasi waa inay ogaataa in maahmaah Soomaaliyeed ay leedahay gabadha farxaanadda ahi waa reerka farxaddiisa, maahmaah kale ayaa aheyd albaab furan lama galo ee wejio furan ayaa la galaa}, sidoo kalena waa inay ogaataa in diinteena Islaamka ay nafartay in wejiga la furo oo la faraxsanaado, dadkana aad kula dhaqantid dabeecad wanaagsan, Soomaaliduna waxay tiraahdaa gafuur habeen ninkii buuruu dhibaa, kan maalmeedna ninkii fiiriya. 
  1. Gacantaag: Haweenayda gacantaaga lagu sheegay waa midda marka ay odaygeeda hadalyar isku dhaafaan gacanta ka soo horeysa oo dagaal markasta diyaar u ah, waxaana laga yaabaa in ninka inta wax yar ku dhufo loogu bedel dhib ka weyn midka ay iyada geysatay, sidoo kale gacantaagta waxaa lagu sheegay midda marka ay ninkeeda is qabtaan alaabta jejebisa, dharkiisa gubta, xoolaha leysa, carruutana markasta disha iyada oo ku xumeynaysa ninkeeda, middaasina waa mid halis ah. 
  1. Lugtaag: Naagta lug taagta lagu sheegay waa mid aan marnaba fiicneyn oo laga duceysto inay kugu soo aado, waa mid wareeg badan oo aroosyada iyo xaafadaha ku meeraysata, wax daryeel ahna aan siinin ninkeeda iyo carruurteeda, gurigeeda waxa ka jirana aan ogeyn ileen way hurudaa had iyo jeere, marka uu ninkeeda ka dalbado inay cunto u keenatana lugta ayey ugu tilmaantaa, middaasi waxaa lagu gartaa carruurteeda dugsiyada iyo iskuulada waxay aadaan iyagoo gaajeysan, ninkeeda waxa uu aroortii hore shaqada u kalahaa isagoo gaajeysan, wuxuuna ku meeraystaa maqaayadaha, soomana dhaweyso qaraabada iyo asxaabta. 
  1. Iltaag: Midda iltaaga la yiraahdo waa midda aan ku qanacsaneyn waxa uu Ilaah siiyey ee gurigeeda dhex yaala, isla markaasna aan marnaba ku qancin waxa uu ninkeeda u qabanayo iyo alaabta qaaliga ah ee gurigeeda dhex taala, una hanqaltaageysa dumarka kale waxa ay heystaan, iyadoo is tiraahda hiblaayo alaabta loo dhigay iyo ninkaaga haddii uu saaxiibtaa keeda oo kale ahaan lahaa waad liibaani laheyd, balse aan dareensaneyn wanaaga uu ninkeeda u sameynayo markasta.
  1. Midda shanaad waxaa la yiraahdaa Riima ruugta:

Riima ruugta: Tan riima ruugta lagu sheegay ee haweenka ka mid ah waa midda markasta jirro aan jirin isku rida oo riinta wixii ay doontana cunta, ninkeedana ku tiraahda ma anigaaba seexda habeen iyo maalin xanuun ayaa i haya ee isbitaal hebel i geey, iskuna rida xanuun uusan Allaah u keenin, dabeecadaha kale ee lagu garto middaasi waxaa ka mid ah marka ay gabar saaxiibteed ah soo wacdo oo ay ku tiraahdo aroos hebel ka waran iyo xaflad ayaan aadeynaa xanuunkii hayey oo dhan wuu daayaa ileen xanuunka run kama aheyne, middaasi waa inay ogaataa maahmaada Soomaaliyeed ee oraneysa bugto badan iyo baahi badan waa la isku nacaa, waayo ninka qaba marka uu ku dhibtoodo oo jiro aan jirin markasta ay ku wareeriso marka dambe wuu iska furayaa, wuxuuna ka raadsanayaa mid raaliyo ah, dumarka sidaasi sameeya waa inay ka digtoonaadaan arrinkaasi,

  1. Midda lixaad waxaa lagu magacaabaa Meera:

Meera: Haweenka meeraha ah waa mid ay u badanyihiin dumarka Soomaliyeed, waxaana midda meeraha lagu sheegay inaysan waxba ka ogeyn gurigeeda uuna dayacanyahay, waayo subixii ayey shaqo u jarmaadeysaa amaba ay xoolo raaceysaa, waxayna gurigeeda ku soo laabaneysaa isagoo isku dhex yaacsan oo aan indhaha u rooneyn, waxayna dagaal iyo garaacid ku bilaabeysaa carruurtii ay guriga uga tagtay, waxaana dhici karta in carruurta ay ka kala dhuuntaan marka ay soo dhowday, laakiin midda fiican ee aan meera aheyn waa midda ay carruurteeda u soo cararaan marka ay guriga timaado, una keenta nacnac iyo waxyaabo ay ku farxaan, ragguna middaasi ayuu aad u jecelyahay ee ogaada dumarow, dumarkuna waa inay ogaadaan oo ay maanka ku hayaan dardaarankii hooyo Somaliyeed siisay gabadheeda oo la guursanayey, taas oo gabadheeda ku tiri “Hooyo maalintii ninkaaga waa ishiisa, habeenkiina waa sankiisa” waxayna ula jeeday maalintii in ninkaagu ay indhiisu qabtaan gogol qurux badan, ilmo lebisan iyo raashiin indhaha u roon, habeenkiina sankiisa waxay ula jeeday hooyadaas ninku inuu habeenkii dareemo amaba ku raaxeysto carafta naagtiisa ka soo baxeysa, wuxuuna ninka arrinkaasi ku keenayaa inuu si aad ah kuu jeclaado, markastana wuxuu dharari doonaa inuu kulmo oo uu kaa soo agdhawaado, waxaana taas cagsigeeda ah inaad ninkaaga soo afgadhiisatid adiga oo shiiraya amaba canjiin uu dhinacyada kaaga yaalo, waa hubanti ninkaasi wuxuu raadsanayaa naag kale oo adiga kaa fiican oo soo jiidasho leh, uuna ku ilqabowsado.

  1. Midda todobaad waxaa lagu magacaa Dhamme:

Dhamme: Haweenayda dhamme lagu sheegay waa midda loo baahanyahay oo ka fikirta carruurteeda, ninkeeda, ehelkiisa, ehelkeeda, astaaxtiisa iyo asxaabteeda, ma wareegto, jirro been ah ma leh, aftaag ma aha, iltaag ma aha, gacantaag ma aha, mana aha mid buuq badan, waxay markasta ku dedaashaa inay ninkeeda qanciso, deriskeeda way jecelyihiin, cibaadada Alle sidii la faray ayey u gudataa, carruurteeda ayey wanaaga ku tarbiyeysaa waxay fartaa inay salaada u dukadaan sidii loogu talagalay, waxaana muhiim ah inaad ogaatid maahmaahda dhaheysa naag kasta marwo ma ahin {Every women is not Lady}, erayga leydhi markaan waxa uu meesha ugu jiraa marwo, sidoo kale Soomaalidu waxay tiraahdaa gaagaabniyo guri waa haween, waxaana taasi daliil u ah in haddii ay gabadho tahay gabar fiican aan la arkeynin ninkeeda kala daadsanaantiisa iyo xumaantiisa, waayo iyada ayaa astureysa, mahmaah kale oo Soomaaliyeed ayaa waxay leedahay haweenku waa labo, kuwaas oo kala ah: jabane kabte iyo kabana jebiso, naaguhuna waa labadaasi oo keliya wax u dhaxeeyana ma jiraan, jabane kabto waa naag guursatay nin miskiin ah oo kala daadsanaa oo aan waxba isku faleynin ayey sida ay u toostoosineyso waxay ka soo saartaa nin rag ah, kabana jebisana waxaa la yiraahdaa mid kala tuurto nin shaqeysan jiray oo caruurtiisa biilan jiray, reerkiisa iyo reerka xaaskiisana u roon, waxay ku dedaashaa sidii ay dhaqaalihiisa hoos uga dhigi laheyd oo ay u kala dhantaali laheyd isaga oo dhan, waxayna markasta ku fikirtaa sidii ay ninkeeda u lug-goyn laheyd, dhaqaalihiisana ula diriri laheyd, iyadoo is leh haddii uu dhaqaale buuran helo naag kale ayuu guursanayaa, taasi waa mid xaasid ah oo aan jeclayn hormarka reerkeeda iyo ninkeeda.

Guntii iyo gabagabadii waxaan ku waaninayaa haweenka Soomaaliyeed inaysan noqon kuwo abaal dhaca oo manno sheegasho badan, waana inay raggooda ka dambeeyaan, guryahooduna hagaajiyaan si loo helo qoys wanaagsan oo bulshada muslimka ah ku soo biira, hooyaduna waa qofka keliya ee reerka sixi kara amaba wax xumeyn kara, waxaana leeyahay ha noqonina lixda qodob ee ugu koreysa qoraalkan ee noqda midda lagu sheegay qodobka todobaad ee qoraalkan, ragguna waxaan leeyahay wanaajiya xaasaskiina, hana u kala eexanina haweenkiina haddii aad xaasas badan leedihiin, waadna inaad ogaataan in Nabigeena Muxamd {NNKH} dushiisa ha ahaatee uu yiri waxaa idinku kheyr badan ninka dumarka ugu wanaajin og, aniga ayaana ugu wanaajin og, waana inaan ku dayanaa dhaqankii suubanaheena Muxamed.

Waxaa Qoray: Ismaaciil Cumar Madoobe {Caaqil yare}

Email: farjano2004@hotmail.com/ismailqaran@gmail.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.