Home Wararka Gudaha Wasiirro Arrimo dibaddeedka Wadamada ku jira Urur Gobolleedka IGAD oo ku kulmay...

Wasiirro Arrimo dibaddeedka Wadamada ku jira Urur Gobolleedka IGAD oo ku kulmay Addis Ababa…

227
0

(Addis Ababa-Xog-ogaal ) Wasiirada Arrimaha Dibbada wadamada ku jira urur goboleedka IGAD ayaa kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan.

Dhowaan ayaa dalka Sudan waxaa booqasho ku tegey Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed isagoo waanwaan ka dhex bilaabay dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada dalka Sudan.

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.