Home Wararka Gudaha Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya: Lacagaha kabka miisaaniyadda ee beesha caalamka ka...

Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya: Lacagaha kabka miisaaniyadda ee beesha caalamka ka yimaada waxaa loo qeybsadaa hadba sida loo kala miisaaniyad badanyahay

91
0

Talaado 6-da September 2022,(Muqdisho-Xog-ogaal) Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo dhowaan wareysi siiyay Somali American TV ee Weriye Cali Xaraare ayaa ka hadlay sida dhaqaalaha u qeybsadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu, wuxuu sheegay in Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ay dowladda federaalka bil kasta ka helaan kab miisaaniyadeed oo dhan $150 kun oo doolar, “waa haddii loo helo”, sida uu hadalka u dhigay, wuxuu sheegay in Jubbaland iyo Puntland aanan lacagtaasi la siinin maadaamaa ay leeyihiin dekedo.

“Iyaga dakadahooda waxba nagama siiyaan, anaga teena Muqdisho waxbo kama siino in la mideeyana weli laguma heshiin” ayuu yiri wasiir Bayle oo dhinaca kale sheegay in lacagaha kabka miisaaniyadda ee beesha caalamka ka yimaada loo qeybsado hadba sida loo kala miisaaniyad badan yahay, cid kastana wax la gaarsiiyo, waxaa kale oo jira mashaariicda oo ku xiran hadba baahida jirta markaas, isaga oo tusaale usoo qaatay fatahaadaha oo uu sheegey in lacagtaas la siiyo hadba dowlad goboleedka ay fatahaaduhu ka jiraan, wuxuu adkeeyay in ay muhiim tahay isfahamka iyo wada shaqaynta wasiirka maaliyadda iyo wasiiradda dowlad goboleedyada, isagana uu sidaasi wax ku waday.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.