Arbaco 28-da September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasiirka Wax barashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdul qaadir ayaa sheegay in hada kadib Ardayda dhameysata Dugsiga sare la siin doono Shahaadada Dugsiga Sare iyaga oo kaliya bixin doona 5 Dolar, ardayda dooneysa Shahaadada Dugsiga sare ayaa horey looga qaadi jiray lacag dhan 20 Dolar.
Ardaydii Dugsiyada sare ka baxay wixii ka horeeyay 2015kii ee aan galin Imtixaanka Dowlada oo laga qaadi jiray 30 Dolar ayaa iyagana sidoo kale bixin doona 5 Dolar marka ay qaadanayaan Shadaadada Dugsiga sare ee Dowlada.
Tani ayaa waxa ay tahau talaabadii ugu horeysay ee uu qaaday wasiirka cusub ee waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir, taasoo culeyska looga yareynayo waalidiinta caruurtooda ay wax u bartaan, iyadoo laga qaadi jire laba lacag oo kala ah mida dowladda iyo tan dallada uu hoostago Dugsiga waxbarasho.