Wasaiirka maaliyadda dalka soomaaliya ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Baanka Adduunka David R. Malpass kaas Agaasinka Fulinta ee Bangiga Aduunku uu bishaan u doortay inuu Noqdo Madaxweynaha Bankiga ee shanta sano ee soo socota.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhinaca kale fariin u diray madaxweynaha cusub ee banka Adduunka David Malpass,wuxuuna Wasiir Beyle uu yiri “Bangiga aduunku door muhiim ah ayuu ka qaadanayaa howlaha hormarinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya waxaan rajeynayaa hormar iyo xoojinta xiriir adag ee innaga dhaxeeya Bangiga aduunka waqtigaan oo aan ku jirno dib u habeynta.
Bankiga Aduunka ayaa sanadkii tagay ee 2018 Soomaaliya ugu deeqay 140 oo doolar oo lagu abaal mariyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay wadahadalka deyn cafimnta sharuudihii ku xernaa iyo hagaajinta maamulka Maaliyadda.
David R. Malpass Madaxweynaha Cusub ee Bangiga aduunka waxa uu dhashay 1956 waa dhaqaalyahan Mareykan ah oo muddo ka soo shaqeeyay hey’adaha dhaqaalaha dalkiisa iyo kuwa caalami ah,waxayna muddo xileedkiisa bilaabaneysa shalay oo ay bishani ku beegneyd 9 bisha April.