Home Wararka Gudaha Wasiirka Maaliyada Koonfur Galbeed oo xog ka bixisay xiisadda cusub ee M/Goboleedyada...

Wasiirka Maaliyada Koonfur Galbeed oo xog ka bixisay xiisadda cusub ee M/Goboleedyada iyo DF?

154
0

Arbaco 31-da August 2022, (Baydhabo-xog-ogaal) Wasiirka maaliyadda Koonfur Galbeed, Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxa ay salka ku heyso xiisadda cusub ee haatan ka dhex qaraxday wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale tan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamuud uu isku gooni yeelay howlihii ka wada dhaxeeyey wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed, isla-markaana uu ka baxay heshiisyadii u dhexeeyey labada dhinac, axmed Maxamed ayaa sidoo kale xusay in wasiirka cusub marka uu yimid xafiiska uusan dareen siin dowlad goboleedyada, taasi bedelkeedana uu ku mashquulay arrimo kale.

“Waxa aan walaac ka qabnaa hannaanka wada shaqeyn ee dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda oo dhinac martay hannaan lagu shaqeynayay oo lagu heshiiyay, wasaaradaha maaliyadda kama shaqeeyaan siyaasadda, balse waxa ay xoogga saaraan hagaajinta maaliyadda iyo deyn cafinta” ayuu yiri wasiirka u hadlay K/Galbeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.