Jimce 5-ta August 2022, (Kampala-Xog-ogaal) Wafdi uu horkacayo wasiirka magacaaban ee gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac)” ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugandha, waxaa wafdiga qeyb ka ah taliyaha ciidanka Gen. Odawaa Yuusuf Raage, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid Samatar “Gacaliye” iyo xubno kale.
Wafdiga ayaa halkaas uga qeyb galaya shirka iskaashiga difaaca Soomaaliya iyo Yugandha oo halkaas ka furmaya, shirka ayaa looga hadli doonaa arrimo la xiriira iskaashiga labada dowladood gaar ahaan arrimaha difaaca, “Waxaan ka wadahadli doonnaa dhigeena sidii aan u sii xoojin lahayn wada shaqeynta dhinaca difaaca iyo ballan qaadkeena wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada gobolka” ayuu yiri wasiirka difaaca.