Home Wararka Gudaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Baydhabo

105
0

Axad 6-da November 2022, (Baydhabo-xog-ogaal) Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi ayaa gaaray magaalada Baydhabo, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey Wasiirka arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Cabdullahi Xaaji Xasan, socdaalka Wafdiga Wasiirka ayaa ujeedkiisa lagu sheegay u kuur gelidda xaaladaha kajira degaannada Maamulka Koonfur Galbeed sida arrimaha amniga iyo abaaraha saameeyay qaar kamid ah Bulshada kunool degaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi ayaa la filayaa in uu booqdo xerooyinka ay kunool yihiin dadka barakacayaasha ah si uu ugu kuurgalo xaaladaha kajira, madaweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo kusugan magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inay kulan yeeshaan Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi.

 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.