Isniin 27-da June 2022,(Hargeysa-Xog-ogaal) Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in deegaanadiisu ay u baahanyihiin in ay madaxtinimada qabtaan, oo anay cid gaar ahi uun isku koobin, wasiirka ayaa ku andacooday in la mooday in Somaliland cid gaar ahi leedahay, waxa uu sheegay in sida hadalka siyaasiyiintu u dhigayaan, loo dhaqmayo sidii oo Somaliland ay cid gaar ahi leedahay.
“Waxad u qaadateen in Somaliland reero gaar ihi leeyihiin, sida hadalada loo dhigayo, iyo sida loo dhaqmayo marka loo eego oo ay ka mid tahay ‘waa markaygii’ anagu maxaanu u joogna dalka, maxaanu ilaa 1991 uga shaqaynaynay?” ayuu yiri wasiir Koore, waxa uu sheegay in hadii Somaliland ay yeelato cid gaar ahi, anay shaqayn doonin, isaga oo sheegay in shacabka deegaankiisu ay cabashooyin qabaan, waxa uuna intaa ku daray in anay Somaliland macno badan u samayneyn hadii kolba qolo tidhaa waa markaygii aan xukunka qabsan laheyn.
“Haddey Somaliland noqoto Somaliland reero leeyihiin shaqayn mayso, 24 saacadood cadawad Somaliland leedahay ayaanu la taaganahay, haddii aad idinku isku dhantihiin, qabiilo leh reer ayaanu wadanahay ayaa anaga dabada naga wada, ku waas ayaanu seef la daba joognaa, maxay Somaliland noogu fadhida anaga?, hadii marba reer isku soo qaawiyo” ayuu yiri wasiir Koore”