Home Wararka Gudaha Wasiir Fiqi” Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa kusoo biirtay dagaalka ka dhanka ah...

Wasiir Fiqi” Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa kusoo biirtay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab”

107
0

Axad 25-ta September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in dagaalka xilligaan lagula jiro Ururka Al-Shabaab ee ka socda gobolada adlka ay kusoo biirtay dowladda Turkiga oo taageereysa Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay.

Wasiirka wuxuu sheegay in Diyaaradaha dalka turkiga ay duqeeyeen goobo ay isku aruursaneen ururka Al-Shabaab, si ay dhibaato u geystaan, isla markaana ay beegsadaan meelaha culeyska weyn laga dareemo, waxaa Wasiirka wax laga weeydiiyay doorkooda howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab Ciidamada ATMIS, wuxuu sheegay in si kooban ay uga qeyb galeen, sida inay diyaarado kusoo qaadaan dadka ku dhaawacmo dagaallada.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin fiqi ayaa kusoo aadaya xilli Gobolada Hiiraan & Galgaduud ay ka socdaan howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda & dadka degaanka, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay Al-Shabaab.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.