Home Wararka Gudaha Wasiir Beyle” Waa abeen abuur Aniga ma dhihin khasnadda dowladda waa buuxdaa”

Wasiir Beyle” Waa abeen abuur Aniga ma dhihin khasnadda dowladda waa buuxdaa”

87
0

Isniin 20-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa been abuur ku tilmaamay warar maalmihii la soo dhaafay aad loogu hadal haayay Baraha Bulshada oo uu isaga horay u sheegay, kuwaas oo ahaa in dowladdii hore ee Farmaajo lacago farabadan uga tagtay qasnadda dowladda.

Wasiirka oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta wuxuu sheegay in lacagaha ay heyso Wasaaradda Maaliyadda aysan ku filneyn Shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada balse loo baahan yahay inay bixiyaan dadaal badan si loo helo, aniga waxaa ley weeydiiyay Bishaan 25-keeda ka bixin kartaan mushaarka, haa baan iri balse wixii ka dambeeya hadii aan la dadaalin la waayi karo, hayeeshee hadii la dadaalo la heli karo mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha dowladda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.