Home Wararka Gudaha Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay War cusub oo ku saabsan imtixaanka dowladda

Wasaaradda Waxbarashada oo soo saartay War cusub oo ku saabsan imtixaanka dowladda

102
0

Sabti 4-ta June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka ayaa shaacisay in la qabanayo Imtixaanka shahaadiga ah oo halis ugu jiray in uu baaqdo, wasaaradda ayaa u mahad celisay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud go’aanka masiiriga ah ee uu qaatay si loo fududeeyo dhaqaalaha ku baxaya qabsoomida imtixaanka dugsiga sare looga gudbayo 2021/2022.

Wasaaradda Waxbarashadda Waxa ay-u-mahadcelinaysay Boqolaalka Iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay Kaar aqoonsiga Imtixaanka Fasalka 12,aad,(Roll Number) waxa ayna ku wargelinaysay Iskuulada Aan weli qaadan Kaarka Aqoonsiga Imtixaanka in ay qaataan kama danbeys 04/06/2022, kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaraddda ayaa sheegay in 18-ka bishaan la qaadi doono Imtixaanka, islamarkaana uu ka dhici doono dhammaan gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Carab ayaa bishii la dhaafay sheegay in imtixaanka sanadkan baaqan karo hadii aan la helin tasiilaadka fududeynaya qabsoomidiisa.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.